Menu
banner 3d

Dowlada Puntland oo daboolka ka qaaday in ay saldhigyo Bileys ka hir galinyeso xeryaha Qoxootiga PL

Last update 20-06-12

Wasaarada amaanka dowlada Puntland ayaa daboolka ka qaaday in ay ka hirgalineyso xeryahay Qoxootiga Puntland saldhigyo Bileys oo suga amaanka xeryahay Qoxootaga Puntland.

Wasiir xigeenka wasaarada amaanka dowlada Puntland Mudane Cabdirisaaq Xareed oo qudbad dheer maantay ka jeediyay xaflad ka dhacday xarunta dowlada hoose ee Bosaso oo lagu xisayay maalinta qaxootiga aduunka ayaa baaq u jeediyay hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, asagoo ka codsaday in ay kala qeyb qaataan sidii loo hirgalin lahaa arimaha ku saabsan sugida amaanka dadka Barakacayaasha ee buux dhaafiyay deegamada Puntland.

Mudane Xareed ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la sugo amaanka Xeryaha Qoxootiga Puntland si nabadgalyo iyo xasilooni loogu noolaado ay oogu noolaadan dadka Qaxootiga ah iyo shacabka Puntland dhamaantoodba.

Wsiirka oo hadalkisii sii wata ayaa sheegay in dowlada Puntland ay ka go’antahay hirgalinta saldhigyo Bileys, kuwaas oo sugaya amanaka guud ee dhamaan qeybaha kala duwan ee ku nool xeryahay Puntland, sidaas daraadeedna looga baahanyahay Qaaramada Midoobay in ay gacan ka geysto sugida amaanka dadka Barakacayaasha. Cabdikariim, Boosaaso

allidamaale@hotmail.com


Baaqii IGAD war murtiyeedkii oo sex akhriso.
Hayaanka Puntland iyo Haraadiga Qardhood!
Video: Qeybtii 2aad soo dhaweyntii Prof. C/wali ee Danmark
Mooshino soo kala hor jooda oo ka dhan ah ciidamada shi sheeye oo dhawaan hor imaan doona Baarlmaanka
Dowlada Jubaland oo ku dhawaaqday in ay xayiraad kusoo rogtay DFS
Warbixin: Nuxurkii Go'aankii IGAD ay soo saartay
Xog hoose: DF oo si hoose taakulayn u siisa maamulada Galmudug iyo Ximin & Xeeb
M/weynaha Puntland Dr. Faroole oo furay imtixaanaadka shahaadigaa ee deegaanada Puntland
Prof. Fosia C/qaadir "Qaranimo iyo qabiil meel mawada galo. Dulmiga Jubooyinka ka jira ma fiicna"
Shan sababood oo tilmaamaya in Muqdisho aanay noqon karin caasimaddii qaran!