 Xukuumada FKMG oo guddi farsamo u saartay soo xulida Ergooyinka ansixinaya Dastuurka
Last update 26-06-12Xukuumada FKMG oo shir deg deg ah shalay gelinkii dambe isugu timid ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka yeehsay qodobo ay ka mid ahaayeen Dastuurka,roadMapka iyo arrimaha Amniga.
Shirka golaha wasiirada ayaa waxaa shir gudoominayay Ra,isul wasraaha Xukuumada FKMG Prof.Cabdiwali Cali, waxaana Cabdiwali uu golaha wasiirada warbixin ka siiyay shirkii Saxiixayaasha ee ay todobaadkii hore ku yeesheen Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo saxiixayaasha radMapka ay isku raaceen ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka.
gaba gabadii kulanka golaha wasiirada ayaa lagasoo saaraay qodobada ay ka mid yihiin Gudi farsamo oo ka kooban 27-xubnood, kuwaas oo soo xulaya Ergooyinka ansixinaya Dastuurka, waxeyna ku dhawaaqayaan waqtiga uu dhacayo shirweynaha Dastuurka lagu ansixinayo, waxeykaloo soo saareen in ay dhamaatay shaqadii Gudigii madaxa banaan ee Dastuurka iyo in shirka ansixinta Dastuurka uu furmayo 12-ka bisha July
Qodobada ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa waxey u dhaceen sida tan:
Xukuumadu waxey soo dhaweynesaa in ay dhamaatay shaqadii gudigii madaxa banaanaa ee dastuurka sida ku xusan go’andii kasoo baxay shirkii saxiixayaasha RoadMapka ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya 20 ilaa 22-06-2012
1- Inuu furmayo shirkii ansixinta Dastuurka Soomaaliya 12-July.-2012
2- In shacabka loo soo bandhigayo Dastuurka 24-ka saacoo ee soo socoda iyadoo loo sii marsiinayo warbaahinta.
Magacyada Gudiga Farsamadana waxaa ka mid ahaa.
1. Bashir Warsame Jama
2. Engineer Abdirahman Mohamed Osman
3. Halima Ismail Ibrahim
4. Mohamed Ali Hayle
5. Fowsia Abikar Nur
6. Dahir Warsame
7. Jama Salad Mohamed
8. Sadiq Abshir Garad
9. Fadumo Jama Jibril
10. Faisa Mohamed Layli
11. Professor Abdullahi Hassan Hussein
12. Dr. Yasin Salah Ali
13. Dayib Mohamed Ali
14. Abdirizak Ahmed Farah
15. Showqi Ahmed Hussein
16. Hamad Hagi Ali Hassan
17. Hassan Ahmed Ibrahim
18. Abdiwahid Sheikh Osman
19. Salim Ma’ow Hagi
20. Abdulle Ahmed Yusuf
21. Abshir Warsame Jama
22. Professor Abdullahi Osman Hiireg
23. Engineer Salah Sheekh Osman
24. Mohamed Aden Ibrahim (Fargeto)
25. Qasim Iidow Ibrahim
26. Sheikh Qasim Ibrahim
27. Halima Omar Ahmed |