Waxaa Caawa oo ey bishu aheyd 22.6.2012. Laga sii daayay Dood aad kulul, loogana hadlayay Shirka u socda Saxiiixayaasha Roadmap ka iyo Cida hortaagan Ansixinta Dastuurka Qabyo-Qoraalka ah. Doodan oo ey ka qeyb-galeen, Muwadiniin Soomaaliyeed, gaar ahaan Sakariye Isticmaar oo kasoo jeeda Puntland ayaa aheyd mid aan waxba la isula harin.
Waxana labada doodyahan uu mid walba eed dusha uuga tuurkey Masuulka uu u arkayay inuu hortaagan tahay hanaanka khariirdada Tubta Nabad ee loo yaqaan Roadmap. Sakariye Isticmaar, oo isagu si-weyn ugu nuux-nuuxsadey cida ka danbeysa buuqa iyo dibu-dhaca maalin walba ku imanaya Roadmap ayuu dusha uuga tuurey Madaxweynaha DFKMG Shariif Sheekh Axmed, isagoo Sakariye soo bandhigey cadeymo iyo Tusalaayaal uu ku sifeynayo meesha uu qaladka ka socdo.
Sakariye Isticmaar ayaa sidoo kale xusey in Madaxweyne Shariif uu sidoo kale Xubno ku lee yahay Odayaasha Dhaqanka oo aad moodo iney isku-af yihiin Madaxweyne Shariif, waxana uu yiri, Madaxweyne Shariif waxa uu ku lee yahay Odayaasha Dhaqanka Xubno isaga ku fikir ah kuwaas oo imka Caqabad hor-leh lasoo baxay. Sakariye Isticmaar, ayaa sidoo kale ifiyay dhacadadii Shirka Istanbul iyo cida khaladkaas maleegtey, isagoo dusha uuga tuurey masuuliyadii arinkaas Madaxweyne Shariif.
Muwaadinka kale ee la doodayay Sakariye Mudane Cumar ayaa isna aamisanaa in Puntland ey tahay halka ey wax ka socon waayeen loona baahan yahay in Madaxweyne Faroole laga qabto Arimaha shirka iyo Geedi socodka hada socda.