 VOA, Tarsan, Doodii, Xaad, Kiimiko Cabdulaahi Jaamac iyo Wasiir Buux, Ee ka dhanka aheyd Dastuurka Somalia
Last update 08-07-12Halka hoose ka dhageyso.
Akhristow waxaa maanta mar qura dhagaha Dadka Soomaalida ee dhageysta Idaacada VOA-Somali ey dhageysteen Wareysi laga qaadey Duqa Dagmada Mogadishu Tarsan iyo Doodii loo Qabtey Nabadiidka.Cajiib!
Akhristow aan ku horeyno Wareysigii Qeylo-dhaanta iyo quusta xambaarsanaa ee laga qaadey Tarsan, waxana uu Tarsan si dad-ban uuga soo horjeestay Dastuurka Qabyo Qoraalka isagoo ku gabanaya in Dastuurka aan lagu xusin Magaalo Madaxda Soomaaliya Mogadishu, waxa uu Tarsan xusey in Dad dano gaar ah leh ey si kas ah uuga tageen in Caasimada Mogadishu lagu daro Dastuurka, Tarsan ayaa ku hanjabey inuu talaabo qaadi doono balse uu ka war-wareegey inuu si-cad ah u sheego talaabada uu qaadi doono.
Hadaba suaashu waxa ey tahay Tarsan Caasimada uu sheegayo ma Soomaaliweyn oo dhan ayaa maanta leh amase joogta mise waxaa heysta beel gaar ah. Bal aan dul-maro Caasimada Mogadishu iyo Xaalkeeda, sida aan la socono, Mogadishu waxa ey ka koobneyd 15,Dagmo, sida, cabdi casiis boondheere xamar jajab xamar weyne hawl wadaag heliwaa ama huri waa hodan kaaraan shangaani shibis waaberi wada jir wardhiigley yaaqshiid dharkeynley.
Dagmooyinkan maanta waxaa heysta Beesha Hawiye sida dhabta ah iyagoo xoog ku heysta Guryihii ey lahaayeen Ummada Soomaaliyeed ee aan Asal ahaan ku abtirsan Mogadishu, waxa Magaalada Mogadishu maanta dagan 99% Dadkii ka yimid Gobolada dhexe Warsheekh Aadan Yabaal Ceelbuur iyo Cadale, Suaasha aan weydiinayo Duqa dagmada Mogadishu waxa weeye, sidee ku oran kartaa Mogadishu waa Caasimad Soomaaliya amase Soomaali baa leh, sow kama horeyso horta in Dadka Hantida eysan laheyn xooga ku dagan in laga saaro??
sow kama horeyso inaad adigu horseedo Taariikh cusub oo aad beesha aad ka dhalatey u sheegto in Mogadishu 1991, Waxii ka danbeeyay eysan mudneyn in lasiiyo Magaca Caasimada Soomaaliya??
Sow kama horeyso in Beeshaada aad u sheegto in hantida gaarka loo lee yahay iyo tii Dowlada ey uuga baxaan dadkii lahaa, eyna mag dhow iyo Raali-Galin ka baxshaan??
Mase booli kuuga raagta inaad leedahaad moodaa wey warkaagu? Aalla tahay!
Tarsanow Dastuurka Cusub ee Soomaaliya waxaa qorey Dad wadaniyiin dhab ah aadna uula socda xaalka Soomaaliya iyo Mogadishu sida ey maanta tahay, waa hubaal in Mogadishu ey burburiyeen Beesha aad kasoo jeedo ee Tarsan Banaanbaxyadii London oo kale Mogadishu kama sameyn doontid waayo Amisom ayaa gacan bir ah kugu qaban doonta.
Bal aan u soo noqdo doodii gaabneyd ee VOA, ey ka qaadey, Wasiir-ku xigeenka Dastuurka Mudane Buux, Nabadiid Xaad iyo Cabdulaahi Jaamac Iyo Kiimiko.
Mudane Buux, oo hadalka qaatey ayaa u soo bandhigey aragtidiisi si biseyl iyo aragti Aqooni ku dhisan tahay u soo bandhigey Dastuurka Cusub iyo sida loo ansixin doono, waxaase isweydiin mudan 3,Nin ee aan xusey oo ey waheliso labo aragti oo aheyd Iririsim iyo Anti-Federal.
Bal aan xuso hadalkii uu ku hadley, Nabadiid, Maxamed Xassan Xaad, in Caasimada Mogadishu aan lagu xusin Dastuurka taasna ey tahay mid aan la qaadan karin, suaasha isweydiinta mudan waxa weeye Nabdiid Maxamed Xassan Xaad, Mogadishu Beesha aad ka dhalatey ayaa ka dhigtey Magaalo Beel, waxana aan la soconaa 99% Dadkii Mogadishu dhistey ey maalin cad iyagoo aan dhar-wadan ka baxeen Guryihii ey lahaayeen, halka Xaadow Beesha aad ka dhalatey ey Xoog ku qabsadeen hantidii Shacabka ey laheeyeen, Nabadiid Xaad waxaa kaa horeysa Mogadishu inaad u doodo, Hantida Beeshaadu ey xooga ku heysato inaad uuga digto iney ka baxaan oo aad arinkaas ka shaqeyso. Ninka Cabdulaahi Jaamac, oo isagu kasoo jeeda Boorame.
Raga kale ee doodayay oo iyagu ahaa Anti Federal iyo Pro-Irirsim. Akhristayaal VOA-Soomaaliya waxa ey maalin walba sii deysaa doodo iyo Wareysiyo noocan oo kale ah si loo kacsho Beesha Mogadishu isla-markaana lagu khalado Beesha Caalamka ayaa la doonayaa dadka Reer Puntland iney qoraalo u gudbiyaan Hayada maamusha VOA-Somali, waa hubaal in arinkaas wax laga qaban karo loona baahan yahay Qurbajoogta reer Puntland ee N.America iney arintaas wax ka qabtaan. Ugu danbeyn Tarsa Xaad iyo Axmed Diiriye, Dastuurka Soomaaliya waxaa lagu ansixin doonaa Aqbaliyad Mogadishu ma noqon doonto Caasimad Soomaaliyeed inta aad ku jirtaan Guryaha shacabka iyo Hantida Dowlada, Mogadishu waxaa xumeeyay oo sidaa u foolxumeeyay waa Reer Mogadishu iyo Beesha Hawiye.
Halkan ka dhageysta Dood dagaaleedkii VOA-Ee ka dhanka aheyd Dastuurka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah qaabilada Soomaaliya.
|