Menu
banner 3d

Breaking News: Ciidamo Amisom oo tababar logusoo xiray Garowe.

Last update 12-07-12

Cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska daraawiishta Puntland oo maantay tababar loogu soo xirey xerada 54-aad ee duleedka Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa loo qabtay munaasabad lagu gudoonsiiyay shahaadooyin sharaf aa du qiimo badan.

Xaflada ku saabsaan xiritaanka tababarka cutubyo ka tirsan ciidamada Kumandooska Puntland ayaa maantay ka dhacday xerada 54-aad ee duledka Garoowe.

Xafladaasi ayaa waxaa goob joog ahaa oo gudoonsiiyay ciidamada taba barku u dhamaaday shahaado shar Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Sh. Maxamed Farole, kuxigeenka Madaxweynaha Gen.Cabdisamad Cali Shire, waxeyna aheyd mid u dhacday si quruxbadan oo aad looga yaabay, waxaana kasoo qeyb galay dadweyne aad u tirabadan oo makhsuud ku ahaa gaado ka ciyaarka iyo dhoolatuska ay soo bandhigeen ciidanka kumandooska Puntland.

Xafladaan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa Taliyaha ciidanka Daraawiishta PL Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ,wasiirka Arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac( Ilkajir) ,wasiirka Amniga Gen.Khaliif Ciise Mudan ,qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland Mr.Asmalash Walde-Meerat ,saraakiisha ciidamada Puntland iyo macalimiinta tababarka bixinayay.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Faroole oo ka hadlay munaasabada xaflada ayaa la dardaarmay ciidamada tababarku usoo xirmay, wuxuuna ku nux nuuxsaday in dalku uu leeyahay cadaw tiro badan oo is biirsaday sidaas darteedna loo bahaanyahay in had iyo goor feejignaadaan, ayna u diyaar garoobaan diifaca dalka iyo dadkoodaba, isla markaana looga bahaanyahay in naftooda u huraan sidii umadooda ay horumar u gaari lahaayeen cadawgoodna casharo ugu dhigi lahaayeen.

Fowsiyo smaaciil,Garoowe

allidamaale


Video: Boqashadii C/wali ee Danmark
Banaanbaxa lagu taageerey Xukuumada oo lagasoo abaabulay Filla Muqdisho
Wafdi DF ay u soo dirtay kismayo oo maanta ka warbixyey arimaha juboyinka
Xildhibaan Cabdi barre oo eedayn kulul u jeediyay madxada DFS
Daawo warbixin ay KTN ka diyaarisya Kismaayo
Xog: Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo xilka Iska casilay,Waa maxay sababtu?
Ciidanka DDS ee Itoobiya iyo Alshabaab oo uu dagaal cusub u biloowday
Garoowe oo lagu xukumay gacan ku dhiiglayaal ay xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee PL
(Sawiro + Warbixin) Booqashadii Gaas ee Danmark
Siyaasi Abdirxmaan Xoosh Jibriil, oo Qadiyadiisi ku iibsadey 1000$