Menu
banner 3d

Breaking News: fadeexad horleh iyo caadifad qabiil oo aad halis u ah.

Last update 23-07-12

Akhristayaasha sharafta leh ee bogga caalamiga ah ee Allidamaale iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaan idin soo bandhigeynaa fadeexad salka ku haysa caadifad qabiil oo aad halis u ah.

Soomaaliyeey bal arka falkaan foosha xun, Rag saraakiil Bileyska ah oo waagii dalku dhisnaa canshuurtii Umada Soomaaliyeed dibedda wax ku bartey, kuna bartey magaca Soomaaliya ayaa calanka Soomaaliland ku beddeley calanka Soomaaliya.

Linkska xiga oo ay aalada internetka ku leeyahay ururka caalamiga ah ee ka dhexeeya ciidamada Bileyska ee dalalka caalamka oo idil ee loo yaqaan Interpol ayaad indhahiina kaga bogan kartaan.

http://www.interpol.int/Member-countries/Africa/Somalia

Warar hoose oo lagu kalsoon yahay waxeey tibaaxayaan in saraakiishaan ow ka mid yahay Muxiyadiin Cabdi Gaboose oo ay wada dhasheen Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Soomaaliland in ay lug ku leeyihiin falkaan khatarta leh. Ceebeey tacaal!

Run ahaantii falkaan waxaa aad iyo aad uga naxdin badan khiyaanada intaas la eg uu Qaranka ka galey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKMG C/samad Macallin Maxamuud oo ah gacanta midig ee Axmed Tuke oo saxiixay ogolaadayna falkaasi foosha xun. Waad la socotaan in wasiirka Arimaha Gudaha uu madax u yahay gudiga heer wasiir ee DFKMG u qaabilsan wadahadalada Somaliland. waxaad kaloo la socotaan in dhowr bilood ka hor uu afka ku balaariyay inuusan waxba ka qabin goosashada Somaliland.  Fadlan hoos ka eeg.

http://www.wardheernews.com/Articles_2011/Nov/18_tfg_somaliland_hassan.html

 Sababtoo ah Wasiirada Arrimaha Gudaha ee dalalka caalamka oo dhan ayaa u xil saaraan arrimaha Bileyska iyo la xiriirka Interpol-ka. Kaan ogeeynoow Qaranimadii waa horaa la gatay oo god lagu riday!

Soomaaliyeey soow iminka idinma muuqdo heerka uu gaarsiisan yahay damaca khatarta ah ee ku jira Axmed Tuke? Ma warbaynu wadeynaa?

Ma calankii rag iyo dumar fara badan u soo dhinteen baa la siisan karaa kursiga murtidka ee Filla Soomaaliya yaal?Bal adba!

Hadaba in xarago dhimatay xusuusina jirin, dadkuna xoolo yahay, soow waajib mahaan in saas loo galo mar hadaan cid u damaqaneysa oo in ay ka hortagto diyaar u ah jirin.

Shaki kuma jiro in dhacdadaan naxdinta leh ay ka farxin doonto Siilaanyo iyo inta la hal maasha. Hasa ahaatee sida uu yiri Allah u naxariistee Baadi, ciyaar waa gelin dambe.

 

Wa billahi towfiiq

 

Cabdi Naasir

allidamaale.com

Nairobi Kenya


Mudanayasha Barlamanka ee Mooshinka wada oo Shir Jaraa’id qabtay
Jubbaland waa guul u soo hoyatay ummadda iyo dalka Somalia
Hees aan caadi aheyn: Heestii ka joog yee ku jiirine Jubaland by Nuur Ahmed
Muqdisho Ma baarlamaan Somaliyeed baa mise waa xabsi?
Daawo: Dood kullul oo ku saaban arimaha Jubooyinka
DF oo biloowday inay ugaarsato xildhibaanada wada mooshinka ka horjreeda R/W Saacid
Breaking News: Xubnihii IGAD Iyo Ergada Kismaayo oo is-afgartey.‏
Ururka Dhaq dhaqaaqa Somaliyeed oo Bayaan soo saaray
Xasan Cuslos oo meel Fagaaraha Maanta ka sheegey in dad gaar ah oo Power raba ay Somalia Bohol ka tuurayaan.
Dowlada villa Muqdisho loogu waardiyeeyo oo kalsinada laga noqondoono