 Col-ugale, Garaad Bintiland iyo Cali-Baaba iyo Madaxda sare ee PL siyaasadoodu waa mid aan ganbaba goyn!
Last update 24-07-12Akhristayaasha sharafta leh ee bogga caalamiga ah ee Allidamaale waxaan maantana usoo gudbinayaa dhacdooyinkii Siyaasadeed ee ugu danbeeyay ee kusoo kordhay mandiqada Puntland iyo saameynta ay nagu yeelankarto.
Ugu horeyn Rag wuxuu ku wada socdaa waa Qoowl iyo Sharaf, horey waxey Soomaali u tiri Rag waxaa ka hara Qoowl iyo Qabri!
1-Hadaba markuu ku hungoobay Tartankii Madaxtinimada Puntland, nin Tolkiis u horseeday xabad aysan diyaar u ahayen iyo colaad xalkeeda muda dheer qaadan doonta.
2-Nin markuu ku hungoobay Madaxtinimadii Khaatumo u gur guurtay Siilaanyo oo ah oday siyaasi Soomaaliyeed oo rug caddaa ah dadkana si wanaagsan u kala yaqaan uu kala kulmay in xujo adag la hordhigay.
3-Nin markuu ku hungoobay Siilaanyo isu boohiyay Puntland
Ma wax la qaadan karaa in Col-ugalle Cadaw-Toosiye (Xagle-Toosiye) Siilaanyo hordhigay hadaad Hargeysa ama Burco iigu keentiid Oday hebel, Oday hebel iyo Oday hebel, waxaad doontid baan kusiinayaa, taas oo uu ogyahay Silaanyo inuusan fulin karin Cadaw-Toosiye, balse lagu bahdilayo.
Waxaa taa kasii daran bal ila eega Siyaasad Xumada intaa le’eg ee madaxda sare ee Puntland ku cayaan.
Siyaasada liidata waxaa lagu gartaa mida isu keenta rag liita oo aan dadkooda marnaba matalikarin, qadiyad iyo Tanaasulna laheyn.
Ragbaase siyaasada waxey ka barteen qeybi oo xukun, hase yeeshee waxaa is weydiin mudan yaa la qeybinayaa yaase la xukumayaa?
Umad lagasoo bilaabo 1978 lakala qeybinayay hadana la isku dirayay misna lakala dirayay, soow maanta umadaas u baahna siyaasiyiin caafimaad qaba, aqoon iyo karti leh Tanaasulna yaqan, dadkana aan danbi ka galin oo lagu kalsoonaan karo?.
Dadkaasi waa in ay noqdaan kuwo waayo aragnimo u leh aduunka casriga ah halkuu u socdo, daacadna ka ah isu keenida umadaan sida ba'an loo bahdilay.
Umadan Matadooda iyo waayeelkooda afarta beyna jaho ee aduunka daadsan ma doonayaan caado qaate marba cid u gal iyo madaxda PL oo hadba mid soo dhaweeya ee waxey doonayaan daacad nimo iyo u damqasho dhab ah.
Madaxda sare ee Puntland waxaa hortaal afkey shalay ku sheegeen in Cadaw-Toosiye (Xagle Toosiye) argagixiso yahay. Maxaa naloo sheegi maantana?
Tolkeen Dhulbahaante waxaan ka siinayaa xaal, siyaasadaan liidata raali kama nihin.waana waajib in aan ifino khaladka muuqda si loo saxo hadii wanaag doon layahay!
Dhinaca kale Garaad Bintiland, Cabdikarin Jaamac iyo Cali Khaliif Galeydh (Cali-Baaba) waxaa hubaal ah in ay markiiba isku dayayaan in ay ka faa'ideystaan siyaasada liidata ee aan kor ku xusnay. Hasa yeeshee is weydiin maleh in natiijada ay dhalikarto siyaasada liidata ee la doonayo in lagu soxo siyaasad kalo liidata ay tahay mid kasii liidata oo aan ganbaba goyn.
Cabdi Naasir
allidamaale.com
Nairobi Kenya
|