Menu
banner 3d

Shirkii Ergada ansixinta Dastuurka oo saaka si rasmi ah u furmay.

Last update 25-07-12

DFKMG oo maant si rasmi ah u shaacisay inuu furmay shirkii ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay soo xaadireen inta badan ergadii ansixin Dastuurka ee matalayay bushada Soomaaliyeed.

Shirjaraa'id oo uu maanta qabtay Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumda Federaalka Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in lagabilaabo saaka saacu markey aheyd sagaalkii aroornimo uu si rasi ah u faray shirka ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya, isla markaana lagu qabanayo Xurunta Iskool Bolisiya ee nawaaxiga Sheelare ee Xaafada Xamar jabjab maagalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa inta ku daray in shirka Ansaxinta Dastuurka Soomaaliya uu socon doono muda Sagaal Maalmood ah, hadaan wax dib u dac ahi imaan, hase yeeshee wuxuu hoosta ka xariiqay in Ergada ansixinta ay joogaan ku dhawaad  90% halka inta kalena ay dhawaan soo gaaridoonaan magaalada Muqdiho.

ugu danbeyntii Mudane C/raxmaan Xoosh wuxuu tilmaamay in lixdii aroornimo ee saaka ay bilaabatay diiwaan gelinta Ergada iyo martisharaf kale ee ka qeybgelaya shirka.

dhanka kale goobta uu shirku ka furmay ayaa waxaa gaaray ergada ansixinta Dastiirka, Saxaafadda iyo martisharaf kale oo shirka lagu casuumay, iyadoo ciidamaduna ay si weyn u adkeeyeen ammaanka Muqdisho gaar ahaan goobta uu shirku ka dhacayo waxaana la xiray dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho si looga hortago fal kasta oo lidi ku ah amniga.

Allidamaale,Muqdisho


Wakaalada Xooga Korontada PL oo Hospital Bossaso oo Korantadii ka jartay
Ururka Nabadda iyo Cadaalada oo Bayaan kasoo saaray weerarkii lagu dhaawacay Raadeer
Dhageyso beentii VOA ay ka sheegtay Dhawaacii Y. Raadeer
Daawo Kuulankii lagu taagaray Jubaland ee Danmark
Xasan Culusow oo sheegay in uu doonayay inuu ka qeyb galo Shirka G8
Gudoomiyihii hore ee Kismaayo Yaasiin Raadeer oo rasaas lagu dhawaacay
BBC iyo VOA been abuurkooda qabyaaladaysan oo meel xun maraya!
Tooshka Wareega ee allidamaale (Waa Kuma Professor GAANDI?)
Breaking News: Qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo
CRD iyo Hawiye Action Group oo wada olole Maamulka Jubaland oo kale ay Gobolada dhexe ka abaabulayaanş