 Kenya oo lagu eedeeyay jabinta cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya
Last update 25-07-12Warbixin ay soo saartay Gudiga Qaramada Midoobay u qaabisan la socodka cuna qabataynta hubka ee Dalka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen ku eedeeyay dowlada Kenya in ay ku xadgudubtay cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya kadib markey si toos ah u galeen dalka Soomaaliya ayagoo wata Taangiyo iyo dabaabadba.
Gudiga Qaramada Midoobay ee lasocda cuna qabataynta saaran Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay soo galidii ciidamada dalka Kenya ay soo galeen gudaha soomaaliya ay ahayd mid si toos ah u jabisay cuna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Waribixinta ay soo saareen Qaramada Midoobay oo ka koobnayd 330-bog ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya ay si cad oo ula kac ah u jabisay cunaqabteynta dhinaca Hubka ee saaran Soomaaliya, hase yeehsee markii danbe dowlada Kenya ku biirtay Ciidamada Amisom ee fasaxa u heysta joogintaanka Soomaaliya, taas oo sharciga waafaqsan wa sidey hadalka u dhigeene.
Warbixintani oo lagu wado in ay ka doodaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka Kenya uu ahaa mid mugdi weyn ku jiro, isla markaana aan wax faahfaahin ah aan laga bixin.
Allidamaale, Muqdisho |
|