Menu
banner 3d

Shirka Soomaalida uga socda Magaalada Addis Ababa oo la filayo inuu heshiis kasoo baxo

Last update 22/05/12

Shirka dhinacyada Soomaaliyada ah ee shalay ka furmay dalka Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa galay maalintiisii labaad, halkas oo ay si toos ah isu hor fadhiyaan qeybaha kala duwan siyaasada Soomaalida.

Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamanka iyo Ra’iisul wasaaraha oo dhamaantood ka socda DFKMG, Madaxweynaha Dowlada Puntland, Galmudug iyo labo xubnood oo ka tirsan Ururka siyaasadeysan ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Dastuurka iyo waliba mugdiga soo kala dhex galay dowlada Puntland iyo DFKMG iyo sidoo kale saxitaanka khladaadka ku jira Dastuurka Qabyo qoraalka si ay moowqif mideysan uga gaaraan dhinacyada PL iyo DFKMG ansixinta Dasuuturka Soomaaliya.

Dhinacyada Soomalaida ayaa beesha caalamka ay ka dooneysa in ay moowqif mideysan muujiyaan si looga gudbo xiliga kala guurka iyo kala duwaanashaha daashaday umada Soomaaliyeed mudada dheer, waxaan taa badalkeeda loo balan qaaday dhaqaale farabadan oo lagu meel marinayo arimaha Siyaasada Soomaaliya iyo ansixinta Dastuurka Qabyo qoraalka.

dowaladaha ugu horeeya ee ku yaboohay bixinta dhaqaale lagu kaalmeeyo arimaha Soomalaiya ayaa waxaa ka mid ah dowladaha Ingriska iyo Mareykanaka, ayadoo uu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Dr Augustine Mahiga si weyn usoo dhaweeyay taageerada beesha caalamka dhinaca kalena ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Soomaalida in ay midnimo iyo biseyl siyaasadeed muujiyaan.

Shirkaan ayaa la filiyaa in maanta lasoo gabo gabeeyo, ayadoo lagu wada in laqabto xaflad balaaran oo lagusoo bandhigi doono heshiis buuxa oo ay gaaran dhinacyada Siyaasada Soomaalida


C/laahi Xuseen oo DF ku dhaliilay qaabka ay u maareysay dib-lumaasiyiinta Somalia
Xiriirka Federaalka & SL oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka SL oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland
Xafladii C/wali lagusoo dhaweynayay oo iminka lasoo xiray
Dr.Farolle "Jubaland hadii la diido, dowladana waa la diidi"
Somaliland oo walaac ka muujisay hadalkii M/weyne Xasan
(Sawiro) R/wasaarahii Hore ee Somalia Mudane C/wali oo Danmark soo gaaray
M/weyne Xasan oo dib u soo nooleyay Dagaal oogayaashii
Daawo: C/llahi Sheekh" Hajoojiiyo Xasan Sh. Hadalada caadifada ah"
Somali lawmakers sign motion against premier
Naxdin iyo Qaracan: Tahriibayal Somaliya oo sucuudiyin jir dilayaan