 Dowlada FKMG oo beenisay in ay ciidamo reer galbeed ah joogan Soomaliya
Last update 31-07-12Wasaaradda Gaashandhigga DFKMG oo beenisay in ciidamo ka socda dalka Ingiriiska ay ku suganyihiin dalka Soomaliya, waxeyna gabi ahaanba iska diiday warkaasi in ay haba yaraatee wax ka jiraan.
Wasiirka Gaashandhigga Xuseen Carab Ciise oo saxaafada la hadlay ayaa ku tilmaamay been abuur iyo war aan jirin in koonfurta Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamo Milatari oo ka socda dalalka reer galbeedka gaar ahaan dalka Ingiriska.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jirana khubura dhinaca taba barada iyo latalinta howlagalda in ay ku sugan yhiin koonfurta Soomaaliya, balse aysan jirin wax ciidan ah jooga dalka, waa siduu hadalka u dhigaye.
Hadalkaan
ayaa kusoo aaday xili baryahaan danbe ay aad u hadal hayeen saxaafada Soomaalida in ay jiraan ciidamo ka socda dalka Ingiriiska ay ku sugan yihiin Koonfurta Somaaliya gaar ahaan magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose
allidamaale, Muqdisho |
|