 Ururka Diifaac xuquuqda Adaanaha oo kadigay in danbiilaaysha dagaalka Somali lagu daro Mustaqbilka Biloowga ah.
Last update 31-07-12 Ururkaan Cusub ee maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa Hogaamiyaha ururka difaayaasha xuquuqda aadanaha ee geeska Afrika Dr. Xassan shire sheekh qeylo dhaan iyo digniin weyn udiray odayaasha dhaqanka iyo Golaha ansaxinta Dastuurka in aysan kusoo darin xiligaan mustaqbilka Umada ee biloowga ah dadka lagu tuhunsanyah in ay danbiyo dagaal ka geysteen Soomaaliya, kuwaas oo la doonayo in sida ugu dhakhso badan loo hor keeno shariciga.
Hogaamiyaha Ururka difaacaasha xuquuqda aadanaha ee Geeska Afrika oo la hadalay VOA lanta Afka Soomaaliga ayaa isagoo ka jawaabaya su'al la weydiiyay ayuu yiri Wuxuu Barnaamjika IFISO u taaganyahay in aan ku adkeyno kartid odayaasha dhaqanka ee soomaalida iyo Golaha ansaxinta Dastuurka iyo Umada Soomalaiyeed in ay iska reebi karaan oo ay iska qaban karaan dadka lagu tuhunsanyah in ay danbiyo dagaal ka galeen Soomaaliya, waxaan rabnaa in ay iska reebaan dadka xumaanta geystay oo ay keenaan dadka wanaagsan ee aan danbi ka galin dadka iyo dalka,waxaan gacanta ka galinay Odayaasha Dhaqanka Lis 11-Magac oo danbiilaayal dagaal ay ku yaalaan in ay ka fiiriyaan Magacayada ay u gudbinayaan Golaha ansxinta, waa in dadka dhagrta qaba xiligaan aysan ka qeyb qaadan mustaqbalka cusub ee Soomaaliya, waa in dad fiyow oo aan dabiilayaal aheyn loo dhiiba mustaqblaka cusub ee umada Soomaaliyeed,Hadii magacayda noocaas ah ay ku soo daraan Odayaasha ha ogaadeen in IFISO ay dul taagantahay oo aan ku dul qeylineyno, waxaan la shaqeen bulshada caalmka iyo Ururda Haweenka, dadkaasina waan heynaa macluumaadkooda iyo magacyada Danabiilayaasha. ayuu yiri Mudane Xassan.
Dr. Xassan ayaa intaa ku daray in Odayaasha looga fadhiyo oo ay fareyaan in ay iska ilaaliyaan xiligaan Mustaqbilka Soomalaliya ee cusub ee bilooga ah aan loo baahneyn in laga weeciyo wadada saxa ah ee nabadgalyada iyo xasiloonida waarta lagu gaarikaro, laguna soo cein karo kalsoonida umada.
”Odayaasha wadankoodii ayey maanta joogaan ma joogaan wadan shi-sheeye, lama handadi karo, kuwa lacagta la ordaya intey ka qaataan ha iska diidaan in ay kusoo daraan, ha ogaadeen in ay caruurtooda iyo haweenkooda mastaqbilkoodii uu yahay waxa ay maanta gacanta ku hayaan, waan dhab in ay iyaga taabaneyso waxa ay maanta ka arimiyaan, waa in ay jaaniska mudada dheer la sugayay ee maanta soo maray ay si quman uga taliyaan, hadeey ka naxayaan ubadakooda iyo dalkooda, waa fursadii ugu danbeeysay ee xal waar lagu gaarsiin lahaa umadaan diifeysan, hadey maanta dayacaan hadhoowna calaal iyo cataaw looma baahna" ayuu yiri Diifacaha Xuquuqda aadanaha ee Geska Afrika.
Dr. Xassan ayaa qeylo dhaan lixaad leh ugu digay Odayaasha Somalida, wuxuuna ugu baaqay in dadka gabood falka iyo danbiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ka geystay Soomalaiya aan lagu daran Baarlamaanka Cusub iyo mustaqbilka biloowga ah ee umada Soomalaiya, wuxuuna dhinaca kale sheegay in ay Odayaasha si weyn ugu istaageen taladooda ayna u socoto wadahadal meel wanaagsan maraya.
Ugu danbeyntii Wuxuu sidoo kale ugu baaqay danbiilayaasha shacabka Soomalaiyeed kala irdheeyay in xiligaan iyo Marxaladaan raran ee lagu raadinayo daba qabashada umada Soomaaliyeed ay ka fariistaan umada oo ay iska sugaan inta arinkooda loosoo jeesanaayo. Ururkaan cusub ayaa looga dhawaaqay maantay magaalada Muqdisho ayaa warkaan ay umada ku diirsaty kasoo saaray kulankoodii ugu horeeyay, waxaan hubaal ah in ay dadbadan ka naxeen hadalka kasoo yeeray
allidamale,Muqdisho |