 Barlamaanka cusub oo Shir Guddoon Dooranaya
Last update 18-08-12Gudoomiyaha Gudiga Farsamada Xaliimo Ismaaciil Ibrahim oo saxaafada maanta la hadahsay ayaa sheegtay in 20-Augost la dooran doono shir guddoonka Barlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Xaliima oo ka hadlaysay sababaha ay u soo hormariyeen soo bandhigista xildhibaanada ayaa sheegtay in muhiimadu ay tahay in soo de dejiyaan hawlaha barlamaanka cusub.
Guddoomiyaha Guddiga Farsamadda ayaa soo hadal qaaday in Maanta ilaa Beri xildhibaanadda cusub ay u qaybin doonaan kaararka aqoonsiga.
Sidoo kale Xaliimo ayaa intaa ku dartay in dhibaato badan ay u soo mareen qaabka loo soo xulay iyo kala shaandhayntooda dhibaato badan.
Shalay ayey ahaayed markii lasoo bandhigay xildhibaano kor u dhaafaya 200 kuwaas ka mid ah xildhibaanada mustaqbilka cusub ee Soomaaliya.
Allidamaale@hotmail.com
Muqdisho |
|