Menu
banner 3d

Axmed Tuke oo weeraray Gudiga ansaxinta Baarlmaánka iyo madaxda DF oo baneenaya viila Somalia

Last update 20-08-12

Akhristayaasha sharafta leh ee bogga caalamiga ah ee Allidamaale waxaan la socod siineynaa dhacdo la yaab leh oo xaley ka dhacdey xafiiska laga diwaan gasho Xildhibaanada cusub iyo dagaal xaga afka oo xalay dhex maray Mahiga iyo Axmed Tuke.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee DFKMG oo ka mid xulufada Aala Shiikh ee Axmed Tuke Loran Bagbo wuxuu adeegsadey awood uusan laheyn. Maliishyo beeleed ayuu ku weeraray xalay oo la galey xafiiska kor ku xusan dabadeedna wuxuu ku amar hawlwadeenada guddiga ansixinta Xildhibaanada in ay kombutarada bakhtiiyaan,  kuwaaso khasab ku bakhtiiyay Cajiib!

Ilo xogogaal ah waxeey noo xaqiijinayaan in Wasiirkki Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdullahi Goodax Barre ay danta ku qasabtey in uu gacan isaga difaaco weerarka wuxuushnimada ah uu ku qaadey Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Axmed Tuke Loran Bagbo, halkaas oo ay ka dhaceen gacan ka hadal iyo feerar la is dhaf dhaafsaday.

Nasiib wanaag Soomaali iyo bulshada caalamka oo dhan waxeey markhaati ka yihin fowdada kordheysa uu gar wadeenka ka yahay Axmed Tuke Loran Bagbo iyo amarad lagu carqaladeeynayo geedi socdka nabada Soomaaliya.

Isala xalay habeen barkii sacada geeska afrika markey aheyd 12:30 ayaa waxaa lasoo toosiyay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Augustin mahiiga, kasoo ay isla xalay dhacdadaan ka wada hadleen Axmed Tuke, hase yeeshee an wax natiihjo ah laga gaarin kadib markuu Axmed Tuke ku adkeystay in in gudi ansaxinta baarlamaanka aysan sharici aheyn.

Maanta ayaa shirkale oo ay goob joog ka ahaayeen sariikasha ugu sareeyay Amiso ee jooga Muqdisho Danjire Mahiga iyo Axmed Tuke ku yeesheen xerada Xalane ee duleedka Muqidho.

Kulankaasi isna wax natiijo ah kama soo bixin, waxaana halkaasi ka dhacay muran kadib marki i Axmed Tuke ka hor yimid inuu qaato amarka ah in ay dhamaan madaxda Soomaaliyeed ilaa caawa 12:00 saqdhexe baneeyaan xarunta madaxtooyada Viila Soomaaliya, wareejiyaan xililka ay hayaan.

Waxaa Axmed Tuke saaka uu amar hoose ku siiyay qaar ka tirsan ciidamada DFKMG oo ay isku heyb yihiin ee ku jira aagaga hore ee dagaalka gaar ahaan xaafadaha Kaaran, suuqa xoolaha iyo duleedka deyniile in ay baneeyaan oo kasoo baxaan furimaha dagaalka ay ku jiraan kuwaas oo dib ugu soo noqanaya xarunta madaxtooyada eee Viila Soomaaliya oo laga cabsi qabo in caawa uu dagaal ka dhaco.

Murashax Mudane Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xulufadiisa waxeey ku amaanan yihin biseelka siyaasadeed, dul qaadka iyo odeynimada ay muujiyeen. Dersi lama iloobaan beey u dhigeen Axmed Tuke Loran Bagbo iyo mooryaan gareydiisa. Kooxdaan waxaa dan ugu jirtaa in ay joojiyaan fowdada ay wadaan.

Dhinaca kalena Waxaa lagu wadaa in Baarlamaanka cusub uu galabta yeesho fadhigiisi ugu horeeyay inkastoo la filayo in mooryaan gareeyda ay isku deyi doonaan in ay kaga hor tagaan falal amaan daro ah.

Sida uu nidaamka dhigayo Xildhibaanada waxeey Afhayeen ku meel gaar ah u dooraan doonaan Xildhibaanka ugu da' weeyn. Waxaa la hadal hayaa oday Jeneeraal ahaan jirey oo 73 jir ah. Ka dibna waxeey magacaabi doonaan labo gudii oo ka shaqeeyn doona doorashada Afhayeenka iyo Madaxweeynaha. Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweeynaha waxaa laga doonaya taageerada iyo saxiixa ugu yaraan 20 Xildhibaano. Qodobkaan muhiimka ah wuxuu la hari doonaa murashaxiin badan. 

ugu danbeyntii waxaa xusud mudan in la ogoodo cafiskii uu shalay Axmed Tuke sheegay inuu u fidiyay maxaabiis ay ahaayeen kooxo si gaar ah loo ilaaliyo oo ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab., kuwaasina la sii daayay


allidamaal@hotmail.com

Muqdisho


C/laahi Xuseen oo DF ku dhaliilay qaabka ay u maareysay dib-lumaasiyiinta Somalia
Xiriirka Federaalka & SL oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka SL oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland
Xafladii C/wali lagusoo dhaweynayay oo iminka lasoo xiray
Dr.Farolle "Jubaland hadii la diido, dowladana waa la diidi"
Somaliland oo walaac ka muujisay hadalkii M/weyne Xasan
(Sawiro) R/wasaarahii Hore ee Somalia Mudane C/wali oo Danmark soo gaaray
M/weyne Xasan oo dib u soo nooleyay Dagaal oogayaashii
Daawo: C/llahi Sheekh" Hajoojiiyo Xasan Sh. Hadalada caadifada ah"
Somali lawmakers sign motion against premier
Naxdin iyo Qaracan: Tahriibayal Somaliya oo sucuudiyin jir dilayaan