Menu
banner 3d

Marwada Ra’iisul/W Somalia oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Indhoolayal Ku Sugan Muqdisho

Last update 20-08-12

Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Prof. Hodan Siciid Ciise ayaa maanta deeq lacageed u qeybisay Caruurta indhoolayaasha ee magaalada Muqdisho.

Prof. Hodan Siciid Ciise ayaa deeq lacageed gaarsiisay Indhoolayaasha ku xareysan Xarunta Indhoolayaasha ee ku taalla ee degmada Madiina ee gobalka Banaadir.

Marwo Hodan Siciid Ciise ayaa deeqda lacageed bixisay si farxadda ciidda ay ugala qeyb qaadato carruurta indhoolayaasha ah oo aan awoodi karin in si wanaagsan uga qeyb qaaaan faraxada IIda.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta Caruurta Indhoolayaasha ah aan kala qeybqaato farxadda Ciidul Fidriga ah, Runtii aad baan u jeclahay Caruurta, Waxaana balan qaadayaa inta aan karo in aan xaaladda Caruurta Indhoolayaasha ah aan daryeeli doonno”.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay mid ka mid ah Caruurta indhoolayaasha ah wuxuuna tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayna kala qeybqaadato farxadda dabaal degga Ciidul fidirigga.

Ugu dambeyntii Marwa Hodan Siciid ayaa caruurta indhoolyaasha ah ay mid mid u gaarsiisay lacagtii ay ugu talagashay iney siisyo munaasabadda Ciidul fidrigga awgeed.



Soomaaliland oo walaac ka muujisay hadalkii M/weyne Xasan
(Sawiro) R/wasaarahii Hore ee Somalia Mudane C/wali oo Danmarka soo gaaray
M/weyne Xasan oo dib u soo nooleyay Dagaal oogayaashii
Daawo: C/llahi Sheekh" Hajoojiiyo Xasan Sh. Hadalada caadifada ah"
Somali lawmakers sign motion against premier
Naxdin iyo Qaracan: Tahriibayal Somaliya oo sucuudiyin jir dilayaan
Dameeraalow dawladnimo iyo dastuur maxaad ma taqaan?
Ogeysiis: Flinkii Ismaqabato Qeybtii 2aad ku daawo Jigjiga iyo Garowe
Koox Somalia ah oo Lagu Xukumay Taageerada Alshabaab
Kenya government walks a tightrope in Somalia as Kismayo gets new leader