Menu
banner 3d

Daawo Sawirada Sida looga Ciiday Zambia.

Last update 20-08-12

Waxaa Maanta Si wayn looga xusay Caasumada Wadankan Zambia ee Lusaka iyo waliba guud ahaan Dalka Xuska Munaasabada Ciidii.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Xubnaha Jaaliyada Wadankan Zambia iyo Culimada Dacwada Soomaalida Zambia ayaa ahayd mid ka duwan kuwii horay loo qaban waxayna Sanadkan Jaaliyada Soomaalida Zambia dhamaantood ku wada Ciideen hal Goob oo loo asteeyay taasi oo ah Goob wayn oo loo Dalxiis tag kuna taal Duleedka Koonfureed ee Caasumada Lusaka.

Isku imaatinkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool wadankan iyo waliba Xubnaha Jaaliyada Odayaasha, Ganacsatada, Wax garadka, Dhalinyarada oo dhamaantood isugu jira Rag iyo Dumarba waxaa kaloo Munaasabada goob joog ka ahaa Xubnaha Safaarada Soomaalida oo uu ka mid yahay Safiirka Soomaaliya ee DalkaZambia Maxamed Xasan Dawaara.

Inkastoo Soomaalida ku nool Zambia aysan badnayn tiro ahaan marka laga Eego Soomaalida ku nool Qaar ka mida Wadamad Bariga Afrika Hadana Soomaalidu Maanta aad bay uga dhex muuqatay Xuska iyo U Dabaal Daga Munaasabada Ciida.

Munaasabadu intii ay socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay bandhig Ciyaareedyo qurux badan oo ka turjumaya Dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida taasi oo looga gol lahaa in lagu baro Jiilka Cusub ee Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool wadankan.

Ciyaaraha la soo badhigay ayaa waxaa ka mid ahaa Xarig jiifka , Orodka, Xarig ka Boodka iyo waliba Kaala footada waxaan Goobta lagu bixiyay Bilado iyo waliba Koobab taasi oo lagu abaal mariyay dadkii ugu ciyaarta wanaagsanaaa.

Isku Soo wada Duuboo waa markii ugu Horaysan ee Soomaalida Wadankan Zambia ay qabsadaan xaflad midan la mid ah taasi oo hal goob ay ku wada Ciidayaan Soomaalida wadankan ku nool.

 

Siciid Muuse Daahir

Lusaka, Zambia.


Gudoomiyaha Mudug iyo waxgarad kormeer ku tagay deegaanka Dhagaxyo-caddo
Baarlamaanku wuu Garanayaa Khaladka, Balse Kama Hadli Karaan Amaankooda.Darteed
Warbixin: DF oo la sheegay in ay arruurinayso Ciidan Qabiil oo loo ekaysiiyay Shabaab
Dhageyso, Fiiro gaar ah: Gabaygii Cusbaa ee m/wayne xasan Sh.
Farxadda Jubaland iyo baroorta Muqdisho
Waa kuma Ninka Uu Madaxweyne Hassan Culusow, u direy Kismaayo?
Beesha Sade oo ka arinsanaysa sidii ay ka yeeli lahayd Col; Barre Hiiraale
C/laahi Xuseen oo DF ku dhaliilay qaabka ay u maareysay dib-lumaasiyiinta Somalia
Xiriirka Federaalka & SL oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka SL oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland
Dr.Farolle "Jubaland hadii la diido, dowladana waa la diidi"