Menu
banner 3d

R/W hore ee Soomaaliya Mudane Sharma'ake oo ugu hanbalyeeyay Ciida shacabka Somaliyeed

Last update 20-08-12


 Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumada FKMG Soomaaliya  Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa hambalyo ku aaddan Munaasabadda Ciiddul Fidriga u dirayay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, asagoona ugu hanbalyeey umada Soomaaliyeed  Munaasabada ciidul fitriga.

Hanbalyo iyo bogaadin kadib ayaa Mudane Sharma’arke waxaa uu ka hadlay marxaladda dalka gaar ahaan Doorashada Madaxtinimo ee la fillayo inay dhawaan ka dhacdo Soomaaliya, Xildhibaanad cusub ee barlamanka iyo Ciidamada DFKMG.

Ugu horeyntii Mudane Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Ciidamada dowlada looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan xaqiijinta ammaanka dalka, maadaama la fillayo in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho Madaxtinimo dhawaan, isla markaana laga hortago cidkasta oo isku dayda khla khal galinta amniga, sidoo kalena ugu baaqay Ciidamada ineysan faraha la gallin Loolanka Siyaasadeed ee loogu jiro Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya, balse looga fadhiyo gudasha waajibaadka ka saaran ammaanka dalkooda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay ka gudubka Xilliga Kumeelgaarka ah  iyo in la helo Dastuurka cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya, taasi uu hoosta ka xariiqay in ay Xukuumadiisi  aas aas iyo bud dhigaba  u aheyd in maanta la helo Dastuur kaamil ah.

Wuxuuna ku booriyay Baarlamaanka cusub in umada Soomaaliyeed ay uga fadhido in ay u dooran xilka Madaxtinimada Soomaaliya shaqsi ka bixi kara una qalma inuu matalo umada.

allidamaale@hotmail.com

Muqdisho


Daawo Dumarka iyo caruuraha lagu kufsado Muqdisho.
Holland: Xafladii Somaliland oo Ku Dhamaatay Dagaal iyo Gacan ka Hadalţ
Sawiro dheeraad ah: Xafladii Jaaliyada Danmark ay kusoo dhaweyeen Prof. C/wali
Video: Boqashadii C/wali ee Danmark
Tartan caafimaadka oo lagu soo gabagabeeyay machadka Gaalkacyo.
Dhagar Qabe Xildhibaan Xoosh
Banaanbaxa lagu taageerey Xukuumada oo lagasoo abaabulay Filla Muqdisho
Xildhibaan Cabdi barre oo eedayn kulul u jeediyay madxada DFS
Daawo warbixin ay KTN ka diyaarisya Kismaayo
Xog: Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo xilka Iska casilay,Waa maxay sababtu?