 Shariif Tuke indha Lajan waan ku Ogeys, balse maxaa u dheer?
Last update 27-08-12Akhristayaal maxaa idiin baxay, mar hadaad maqasheen cabaadkii Sh.Tuke ee aad usbuucaan saxaafada ka maqasheen.Sh.Tuke iskama cabaadin ee waxa uu arkay in uu laf cad toobin ku hayo, maadama doorashada la filaayo dhawaan uusan Villa Soomaaliya sii fadhiyi doodin. Sh.Tuke waxa uu yaqiinsaday in ay dhaamatay xiligii beelaha mooryaanta ee uu ka soo jeedo, ay ummada Soomaliyeed hortaagnaayeen. Sh.Tuke waxa uu la qayliyey waxa uu ka wayeey geesihiisa, mooryaantii uu baarlamanka ku soo gali jirtay, sida aan xaalaasha ahayn, gacantana u taagi jirtay.
Sh.Tuke waxa uu ku hungoobay in uu taageero danbe ka helo, beesha caalamka gaar ahaan kuwii markii hore markay danta gaarka ka lahaayeen, danbiisha ku keenay Villa Soomaaliya.
Sh.Tuke indha laáan waa ku ogayn – Haddana dad cunimo ayuu ku darysaday!.
Sidaan la socono Sh.Tuke markaan maaha madaxwayne, haddana waxa uu dhex fadhiyaa villa soomaaliya, waxa uuna ku dhawaaqayaa qaylo dheer, waxaase nasiib wanaaga ah, in aan cidini dheg jalaq u siinayn cabaadka ka baxay . Sh.Tuke warkiisii ugu danbayey waxa uu ahaa, waxaan Gudoomiyaha maxakamada sare ku amaray in ay gudiga madaxa banaan ka hor istaagan kana soo furfuraan, magacayda mooryaanta gacmaha dhiiga ku leh ee ay hor istaageen, si ay uga mid noqdaan barlaamanka Soomaaliyeed!. Akhristow ma xasuusataa ,wasiirkii warfaafinta ee Iraq, Mohammed Saeed al-Sahhaf xiligii Sadam Hussein, warka uu saxaafa caalamka, horteeda la imaan jiray, Baqdaad oo American Tanks dhex mushaaxayo, waxuu oran jiray ciidankii America waa jabinay, waana ku hareeraysanahay intii ka soo hartay, waxa uu aamini wayey Al-sahhaf in uusan wasiir danbe ahayn iyo in Saddam Huisen xiligiisii dhamaday.
Hadda sh.Tuke waxa uu garan wayey in uusanba madaxwayne danbe oo ku meel gaar ah aheyn ee uu markaan yahay, mooryaankii uu ahaa markiisii hore oo dhex fadhiya Villa Soomaaliya. Tuke waxa uu garan waayey in riwaayadii dhamaatay tiyaatarkii uu qaybiitsa riwaayda wax ka jilayey,markaana la gaaray xiligii xaqiida la wajihi lahaa. Tuke shalay waxaa keenay beesha caalamka, si ay u sahlanaato kala jabinta mooryaan diimeedii ay abuureen asaga iyo beeshiisu, riwaayadii uu wax ka jilayeyna midaas ayey ahayd, waana dhamaatay xiligaan. Dad cunimada uu hada la yimid, waxaa weeyaan in uu maleeshiyo beeleediisii dib u soo abaabulo iyo in uu afduubto xilidhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda dawlada soomaaliyeed ee Puntland. Sh.Tuke waxa markaan sugayaa, waa maxkamad aysaga qudhiisa la hor keeno, marka la gaaro xiligeeda, lana waydiiyo hantidii uu lunsaday, caruurtii oo dagaal galiyey xiligii mooryaan diimeeda, qaraxyadii lagu laayeey wasiiradii magaalada mugadisho lagu xasuuqay etc.
Mid yar oo tallo ah waxaan oran lahaa Tuke, hadii dhagihiisu wax maqlayaan:- Tukow xiligaagii waa dhamaaday, inta aan ciidanka Amisom surka ku qaban, oo villa soomaliya kuugu imaan, soo ma haboona in aad boorsadaada qaadato?, Haa, Haa, Alleylehe nin raga wadkiisa waa kii yaqaane,midas weeyaan mida markaan oo kale kula gudboon!, Ceebna maaha haddaad taladaydaan qaadato, ee waxaa ka xun adigoo askariga Amisom kuugu yimaado oo ku yiraahdo, meeshaan ninkii xaqa u lahaa kuna haboonaa ayaa imaanaye xafiiska soo banee!. Koley yeeli maysid taladaane oo ((dawaco meeshay macal uga baratay, macaluul ugu baqtidaaye)), waxaan sugaynaa waa xili aan dheerayn, adigoo wali villa soomaaliya dhex fadhiya marka askari Amisom ah jeegda ku qabto. Midana aan kugu dhaarto, fili maayo in aad maya oran doonto ama awoodaba amarka askarigaas.
Wabilaahi towfiiq
M.Yusuf ( Raad-haye)
|