 Dowlada Puntland oo shaaca ka qaaday in danbiilayaasha Maxkamadu ay dilaalka ku xukuntay dhawaan la fulindoono
Last update 26-05-12Dawladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aanay marnaba ka laabadan doonin xukunka maxamed ay ku riday eedeysane loo heysto inuu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa tababarayaasha shirkada Sarecen international.
edeysanahaan dilku maxakamadu ku xukuntay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Jibriil oo asagu horey uga tirsanaa ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland, hase yeeshee geystay fal danbiyeed aad u weyn ayaa iminka ku xiran xabsiga dhex magaalada Bosaso qeybtiisa dil sugayaasha.
Gudoomiyaha ciidamada qalanbka sida ee Punrland Gen. Cabdulaahi Jaamac Geyre oo faah fahaiyay xukunka Maxakamada ayaa sheegay in aan marnaba laga noqon doonin xukunkii ay maxkamadu ku riday eedeysanahaasi, waxaana uu meesha ka saaray in dhag loo jalaq siinayo beelaha danbiile qaran raba in lasii daayo,tasoo dah fur u noqon karta foowdo iyo aanooyin hadhaaw aan la xakameyn karin.
Gen. Geyre ayaa hoosta ka xariiqay in xukunka maxkamada ay tahay mid aad looga baarandagay, isla markaana cadeymo iyo hubin tirabadan la horkeenay Maxakamada, ayna kiskaani ku cadeeyeen danbiilaha dilka uu u geystay Alle ha u naxariistee sarkaalka sare 11 nin oo lala soo qabtay ay farta ku fiiqeen.
|
|