Menu
banner 3d

Maqaal:- Yaa u maqan masiibada ka dhacay Tuulada Gosil ee gobolka Mudug

Last update 27-05-12

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW.

Tuulada Gosil oo ka tirsan deegaanada gaobolka Mudug ayaa waxaa ku dhacday musiibo rabbaani ah oo waxaa qaaday daadadki roobka. Tuulada gibigeediiba waxaa qariyey biyihii roobka. Haddaba waxaa isweydiin leh yaa u maqan tuulada oo laga sugayaa in ay u gurmadaan. Way jirtaa in ay magaalooyin baddan ay biyuhu qaadeen ama uu roobabku si xun ugu fatahay, laakiin magaalana waa magaalo aad u weyn ama u dhow meel looga soo gurman karo oo leh tansiilaadkii, meelna waa meel cidla ciirsi la’ ah.

Haddaba sida aan ka daawanaya telefishinada Tuulada Gosil si ba’an ayeey roobabki u waxyeeleeyeen oo dhammaan guryihii waxaa qarqiyey biyihii roobka. Cid u gurmateyna ma jirto ama wey iska yar yihiin taageerada ay heleen.

Fadlan meel walboo aad joogto waxaan ku talin lahaa adigoo naftaada ka bilaabaya Allaah dartiis ugu gargaar dadkaas walaalahaaga ah ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabka. Ogoow Allaah dadkaas wax uma waayin ee innagaa nalooga dhigayaa imtixaan.

Waxaan kula talin lahaa dhammaan PDF Yurub iyo Ameerika iyo Jaaliyadaha kale oo dhan in ay dadkaan u istaagaan oo wax loola soo gaaro. Ogoow qof walaalkaa ah oo kula mid ah ayaa caawa jiifa bannaan cidla ah oo ay waliba u dheertahay macluul, dhaxan iyo hoy la’aan. Dhammaan wakiilada ( Puntland Diaspora Forum PDF) ee Yurub iyo Ameerika fadlan dadkaas haloo gurmado oo hala caawiyo.

Sidaas si la mid ah haloo dhex galo dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qowmiyadaha kale ee muslimiinta ah ee ku nool waddamadaas. Ogoow inta aad wanaaga ka qeyb qaadato ayaad adiguna wanaag kaga noolaaneysa.

Wabilaahi Towfiiq Cabdixakiim Jaamac Jooje Social Development Adviser – Leicester UK


(Sawiro) R/wasaarahii Hore ee Somalia Mudane C/wali oo Danmarka soo gaaray
M/weyne Xasan oo dib u soo nooleyay Dagaal oogayaashii
Daawo: C/llahi Sheekh" Hajoojiiyo Xasan Sh. Hadalada caadifada ah"
Somali lawmakers sign motion against premier
Naxdin iyo Qaracan: Tahriibayal Somaliya oo sucuudiyin jir dilayaan
Dameeraalow dawladnimo iyo dastuur maxaad ma taqaan?
Ogeysiis: Flinkii Ismaqabato Qeybtii 2aad ku daawo Jigjiga iyo Garowe
Koox Somalia ah oo Lagu Xukumay Taageerada Alshabaab
Kenya government walks a tightrope in Somalia as Kismayo gets new leader
Khilaafka Xukuumada R/wasaare Saacid iyo Baarlamaanka oo cirka isku shareeray