Menu
banner 3d

Sir hoose: Shirkii Isanbul iyo shirqoolka Beelaha Muqdisho oo kashif ku dhamaaday

Last update 28-05-12

Magaalada Istanbul waxa ka socda shir Turkigu isugu yeerey odayaasha dhaqanka iyo xubno bulshada rayidka Somalida qaarkeed,waxa muuqata faragelinta xulida xubnaha ka qaybgalaya iyo weliba sida ay ugu dhexmuuqdaan ururo iyo kooxo siyaasadeed oo dano gaar leh fushanayana arimo guracan oo dhaqanka iyo xeerka Soomaaliyeed ka baxsan.

Ajendaha shirka ay ka qaybgalayaan 300 oo qof 135 kamida ah waa odayaal dhaqameed Muqdisho diyaarad loogu soo direy islamarkasina u baqooley dhanka Istanbul iyaga oo aan wax ogolaansho iyo la tashi ah kala yeelan arrintaasi dadka ay matalayaan, maamulada iyo meelaha ay ka yimaadeen iyo weliba umadda Somaliyeed.

Halka 165 kale la sheegey inay isugu jiraan aqoonyahano, ganacsato, dhalinyaro, haween culimo iyo qurbajoog oo sidii odayaasha oo kale laga soo diyaariyey xafiiska Madaxweynaha iyo xafiiska meelaha Hawiye ee umada Soomaaliyeed afduufka ku heysta, waxana ay isugu jiraan dad dibad joog ah oo siyaasada dalka aan ka war hayn iyo kuwo ku jira urur diimeedyada dalka ee maali walba daadiya dhiiga Soomaaliyeed.

Magacyada lagu casumey shirka waxay isugu jiraan rag horey ugu soo fashilmey siyaasada Soomaliya qaybna ka ahaa dowladihii dalka soo marey,ururo haatan u hanqaltaagaya maamulka dalka hanashadiisa iyo kuwo darajooyin ku qaatey colaada dalka ka aloosan iyo weliba rag Baydhabo fadhiyey oo Al-shabaab ka tirsan.

Halkan waxaan idiin ku soo gudbineynaa qaar kamida magacyada xubnaha lagu casumey shirka Istanbul:

Cadar Aadan (American Refugee Council),Dr.Maxamed Shiikh Axmed Doodishe ,Cabdulaahi Abuukar (Manhal Charity)Sahra Cali Xasan,Dr.Aadan Xaaji Ibraahim(Wasiirkii hore ee caafimaadka),Amiin Caamir,Axmed Naaji Sacad ,Cabdi Shire Jaamac Jooqle,Aamino Muuse Weheliye,Zakia Huseen ,Prof.Cabdulaahi Cismaan,Cabdiqaadir Aadan Cabdul, Abdirisaaq Xuseen,Gen.Axmed Jaamac ,Maxamed Shariif iyo odayaasha qaar oo soo jeedinaya kalmado,Dr.Cali Baashi ,Sh. Saalax Shiikh Ibraahim,Sh. Cabdiraxman Maxamed,Shiikh Cabdiqaadir Somow ,Xasan Mahadalah,Nuuradiin Diiriy,Amira Axmed ,Cabdulaahi Abyan,Najma Cabdi ,Abuukar Arman,Gen.Ahmed Jaamac (Former Police Chief),Prof.Yusuf Axmed Nuur,Cabdi Maxamed Abtidoon (Wasiiru dowlihii hore ee gashaandhiga),Sahra Cali Samatar,Zakiya Huseen ,Mustaqim Waid,Nimco Ahmed ,Hindiya Cali,Cadulaahi Cismaan,Maxamed Cumar Maxamed Ladan Caafi,Maxamed Diini,Prof.Cabdulaahi Bariise ,Cabdikarin Xuseen Guleed,Dr.Cali Ciise Cabdi,Xaliimo Ismaacil.

Fiiro gaar ah magacyada kor ku xusan waa inta soo jeedinta ku leh shirka Istanbul.waxa jira ururo sigaar ah u dhex muuqda sida Samsam Foundation oo qaabilsan fulinta mashaariicda Turkiga Muqdisho.Hiil Qaran ,Tayo ,Khaatumo iyo kuwo kale oo ku caanbaxay inay ka soo horjeestaan habsami u socodka geedi socodka nabada Soomaaliya.

Booqashadii Turkiga wasiirkeeda koowaad kadib waxay ku dhawaaqeen inay Somalia ka fulinayaan mashaariic horumarineed balse waxa laga dhacsiiyey in Somalia ay tahay hal magaalo iyo hal qabiil oo qura oo waxay soo dhaafi kari waayeeen xayndaabkii Muqdisho, ayadoo si gaar ah loo colaadinayo beelaha kale ee Soomaalida iyo Gobolada ay dagaanba.

ku dhowaad 300 oo Milyan Doolarka Maraykanka uu Turkigu ugu deeqey Somalia balse lacagta tiradaas dhami gacanta u gashey ururo iyo magacyo gaar ahaaneed oo ku fushadey danahooda kuna colaadiyay qabaailada kale ee Soomaaliyeed.

Shalay ayaa war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen dowlada Puntland iyo Galmudug waxay ka soo horjeesteen oo diidmo ka muujiyeen shirka Istanbul kadib marki ay arkeen faragelinta lagu sameeyey shirkan iyo weliba inaan danta Soomaliyeed lagu hayn halkaasi oo dadka siyaasada qaarkood ku tilmaamayaan in lagu wado qorshe cusub siiyasada Somalia mid lagu unkayo waana mid dhaawaceysa waxna u dhimeysa geediga loogu jiro haatan in dowladd Somaliyeed la helo Aug2012. Sidoo kale waxaa durba biloowday qeylo dhaan ka soo yeeray siyaasiyiinta iyo dadka miisaanka ku leh Siyaasada Soomaaliya oo ka digaya shirqoolka iyo kala qeybinta ka dhalan karata shirka Istanbul, ayadoo bulashada Soomaaliyeedna ay walaac ka muujiyeen marin habaabinta iyo afduubka lagu sameeyay shirka Soomaalida ee Istanbul.""


Daawo wararka caawa iyo PLTV
Daawo Barnaamijka Ganacsiga iyo PLTV
Somaliland Oo Ka Hadashay Wada Hadalka Cali Khaliif Galaydh
Tooshka wareega: duulaanka Hargeysa iyo khilaafka Taleex
Ciidanka Somaliland oo taleex dul hoganaya
Daawo Barnaamij Gaar: Wax soo saarka Beerlayda Nugaal
Jaaliyada Somalida Finland oo xaflad taageero uqabatay boqorka Daarood
R/wasaaraha DF Mudane Cabdiwali oo Gaalkacyo ku wajahan
Sawiro: Amiso oo ciidamada gobolka Sh/hoose tababar uga furtay xerada ceeljaale
Daawo wararkale oo dheerad ah:Puntland TV