Menu
banner 3d

Gudoomiyaha Barlamanka oo sharci daro ku ogalaaday Hogaamiye kooxeedyadii iyo dhaarintooda oo socota.

Last update 10-09-12

Holka Baarlamaanka Federaalka ee xarunta Iskoola Boolisya ayaa waxaa xiligaan hareeyay buuq iyo sawaxan khatar ku ah habsami u socodka Doorashada Baarlamaanka Madaxwenaha Soomaaliya.

Buuqaan ayaa ka dhashay kadib markii Gudoonka Baarlamaanka ay isku dayeen in ay si musuq musaqu ah usoo galiyaan hogaamiye kooxd yadii danbiyada dagaalka loo heystay oo horey loogu diiday in ay ka mid noqdaan xildhibanada baarlamaanka Federaalka.

Saladii duhur markii laga soo noqday kadib ayaa la isku dayay in lasoo galbiyo hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, taas oo ka careysiisay qaar badan oo ka tirsan Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalmka ee gab jooga ka ah kulanka Doorashada, waxaa la arkay markaliy ayadoo ay hoolkii soo galeen kooxhii danbiyada dagaalka loo heystay.

qaar ka mid ah Xildhibaanada Federaalka ayaa isaga baxay hoolkii ay ka socdeen doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xiligaan gudoomiyha Baarlamaanka uu sheegay in ay bilaabaneyso doorashada Madaxweynaha oo la qeybin doono waraaqaha doorashada, balse ay ka horeyneeso dhaarinta dambiilayaasha dagaalk. waxaa markiiba la gudo galay dhaarinta qaar ka mid ah kooxhii la diidanaa, markey dhaartii dhamaatay ayey xubnihii la dhaariyay ee sida khasabka ah loogu biiriyay Baarlamaanka ay gacan qaadeen oo u mahadceliyeen Gudoomiyaha Barlamaanka, waxaan uguhoreyn gacan qaaday Prof Iibi iyo dagaal ooge Xaabsade. waxuuna gudoomiyhu sheegay in ay joogaan in ka badan 274 xildhibaan, inkastoo uu carak kudhuftay Gudoomiyaha Barlamanka in ay maqnaayeen 50-xildhibaan markii u isagakaliya ogolaada in la dhaariyo o ay ka mid noqdaan dagaal oogayaashii horey loogu diiday Baarlamaanka


Koox Somalia ah oo Lagu Xukumay Taageero Alshabaab
Kenya government walks a tightrope in Somalia as Kismayo gets new leaderþ
Khilaafka Xukuumada R/wasaare Saacid iyo Baarlamaanka oo cirka isku shareeray
Baarlamaanka Somalia oo dhawaan Garoowe loo rari doono.
M/weyne ku xigeenka Jubba land oo sheegay inay xalinayaan muran kasta oo jira
PL oo xukuntay kalluumaysato sharci darro ku joogay xeebaha Somalia
Oloole lagu tallaalayo xoolaha PL oo dhawaan ka bilaabmaya deegaanada PL
Xasan Culusow oo daboolka ka qaaday in Jubaland aysan Cadaalad ka jirin balse Mogadishu ay cadaalad taalo?þ
Ururka Sahal oo bayaan adag kasoo saaray cadaalad xumada iyo farogelinta qaawan ee Xasan Sh.
Xasan Qoslaaye oo dagaal ku baaqay!