 Musuq musuq weyn oo hareyay doraashada iyo wareegii kowad oo lasoo afjaray.
Last update 10-09-12
Waxaa iminka dhamaaday wareegii koowaad ee cod bixinta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. waxaa bilaabatay cod tirintii, waxaana ugu horeeya. Sheriif Sheikh Axmed, Xassan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan macalin Cali Baadiyoow, Cabdiwali Maxmed Cali, balse kow iyo labo majoogto tirinta cododka waxaa dhici karta in la iska daba imado goor dhaw.
Doorshada maanta ayaa usocto sidii loogu talagalay ee Musuq maasuqii iyo wax isaba marintii laga digayay, waxaana doorashadii oo xiligaan socota soo baxaya qab farsameysan oo horey loosii qorsheeyay.
Waxaa si xeeled farsameysan daqiiqadii ugu danabeeysay lagu daray Baarlamaankii loo hanweynaa 20-xubnood oo 16- ka mid ah xubnihii dagaal oogayaasha ahaa ee horey loo diiday oo ay ka mid ahaayeen.
Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan-ku-naax) dagaal oogo, ku habsadey oo haysta hanti dadweyno iyo mid dowladeedba.
Maxamed Qanyare Afrax. Dagaal ooge ku habsadey oo haysta hanti dadweyno iyo mid dowladeedba.
Maxamed Ibraahim Xaabsade. Dagaal ooge loo heysta dambiyo dagaal.
Aaden Madoobe. Dagaal ooge loo heysto dambiyo dagaal
Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) lunsaday loona heysto hanti dowladeed.
Qarkaloo badan oo ka tirsanaa kooxdii horey loogu diiday in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Taasi waxey muujineysaa in Baarlamaanka Federaalka uu luminayo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed u qabeen iyo taageeradii ay u muujiyeen , maadaama ay Umda Soomaaliyeed aad ugu farxeen in meesha laga saaray kooxhii qaranimada shacabka hortaagnaa oo hantadii gaarka loo lahaa iyo tii dowladeedba bililiqeysay isla markaana xasuuqay kumanaan shacab ah oo isir naceyb loo laayay ilaa iyo hadana xoog ku heysta guryihii dadku ay ka qaxeen.
allidamaale@hotmail.com
Muqdisho |