 Badbaado Qaran iyo guusheey ka gaartay miradhalinta Road-map-ka iyo Federaalisimka
Last update 11-09-12Akhristayaasha sharafta leh ee bogga caalamiga ah ee Allidamaale waxaan u soo bandhigeeynaa sawirka iyo codka Raisul Wasaarihii Xukuumada Badbaado qaran Mudane Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku dhawaaqayo tanaasulka uu ka tanaasuley tartanka doorashada Madaxweeyne.
Fadlan hoos ka daawo
Waxaan shaki ku jirin in Mudane Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ow muujiyey waayo aragnimo siyaasadeed oo aad u sareysa, hufnaan, xilkasnimo iyo mas'uuliyad madaxtinimo taariikhi ah.
Waa guul iyo sharaf 14 bilood gudahood Mudane Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inuu ku guuleeystey in uu diyaariyo qariidada loo yaqaan road map iyo in ow Soomaaliya ka saaro ku meel gaarka, in uu dhidibada u aaso in Jamhuriyada Soomaaliya ay noqoto mid Fedeeral ah iyo in uu horseed u noqdo doorasho Guddon Baarlamaan iyo Madaxweyne cusub.
Dhinaca kale marka laga eego shacabka Soomaaliyeed waxaa faxad weeyn u ah in heykalka dowlada laga saaro labada Shariif oo taariikhda Soomaaliya ka galey buuga ugu xun.
Mudane Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maamulka iyo bahweeynta bogga caalamiga ah ee Allidamaale waxeey hawada kuu marinayaa hambalyo iyo bogaadiin aad iyo aad u diiraan.
Xusuusta Soomaalida caafimaadka qabta kama bixi doonto hagardaamada adag ee loogu talo gakey in howshaada lagu curyaamiyo ama iilka laguu dhigo. Allaa dilee dhinta.
Mudane Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, shacabka Soomaaliyeed baa kuu baahan.
Wa billahi towfiiq
Cabdi Naasir
allidamaale@hotmail.com
Nairobi Kenya
|