 Umuloow ma Quraan dhurwaagii baa dhurwaa cunis dhalay!!!
Last update 11-09-12
Beryahaa waxaa dunida oo dhan ku soo batay dad gashan dharka Islaamka lehna Astaanka Muslimiinta, kutubo waaweyna xambaarsan oo haddana ka hadlaya wax kaa yaabinaya oo aan Diintaba shaqo ku lahayn. Dadyoowgaa waashay oo dunida dacaladeeda ku nool kuwa ugu waalida waalan waxay ku nool yihiin Geeska Africa waana Qowmiyadda loo yaqaano Soomaali.
Waxaa Waddankan Soomaalida kasoo ifbaxay Quruumo uu Suubanuhu(csw) noo sheegay kuwoodii ugu qaabka darnaa. Waxaaba ka sii daran in Quraankuna uu noo sifeeyey Wadaad Xumayaasha Aayada Ilaahay ku iibsanaya lacag yar oo aan naf lahayn. Waxaanu ognahay in Masaakiintan Khamiisyada dabagaabka ah Gashan ee Garka rifrifan daysatay in ay iyagaba afduub loo haysto oo ay ku jiraan Liis yaala Sucuudiga oo aysan ka bixi Karin! Markii hore ayayba saxiixeen heshiis ay Iimaankooda ku bedesheen lacag kadibna Kitaabo ay Ogyihiin in Diin wareersan ay ku qoran tahay ayaa loosoo xambaaray loona sheegay waxa ku qoran inay faafiyaan.
Haddaba waxyaabaha maanta lala yaaban yahay Kutub Islaam kuma qornee waxay ku qoran yihiin Kitaabo Magacii islaamka wata laakiin hoostoodu ay belaayo ka buuxdo. Haddaba Ninkan La baxay Sheekh Umul iyo kuwa la midka ah ee meelahaa ka qayliyaa waa rag baradkoodii iyo masruufkooda dhacsanayee ha u arkina Rag Diintii Ilaahay ee Suubanaha(scw) laga soo gaaray faafinaya inay yihiin. Ogoowoo qof waliba Irziqa si buu u raadiyaa; qaar tuuganimay ku raadiyaan, qaar, bucshuro xalaal ah, qaar mid xaaraan ah, qaar khayaano iyo isdabamaris, qaar dhididkooday maalaan iwm. Sheekh Umul isagu wuxuu ka mid yahay qolyaha afduuban ee aan ka bixi Karin meeshii uu sheydaanku geliyey. Wuxuuna marnaba ka leexan Karin wixii Boqortooyada Wahaabiyada ah ee Sucuudigu ay usoo waxyooto. Nimanka Muftiyada u ah Boqortooyadaas ee aan xukun Diin ku ridi Karin Boqorada khamreysan oo Khamaarka cayaara, Diskoogana ka tunta ayaa maalin walba waxay qoorta ka jaraan masaakiin aan waxba galabsan si ay Dunida u tusaan inay Shareecada Islaamka ku taagan yihiin.
Haddaba Diintaas guracan ee Iay Mohamed Ibn Cabdiwahaab, Ibn Sacuud iyo Ingriisku ka sameeyeen Dhulkii loo yaqaanay Xijaaz ee haatan loo bixiyey Sucuudiga ayaa waxaa ay Dunida ISlaamka ku faaftay kadib markii loo adeegsay Hay’ado isku sheega Kheyri iyo Niman Doolar iyo Timir loosoo dhiibay oo dadka masaakiinta ah Quraan Dhurwaa u akhriya. Quraan Dhurwaagii la akhrinayey muddo dheer oo heerer kala duwan oo kala xanuun badan soo maray ayaa haatan waxaa laga dhex arkay in Dhurwaaga la cuno!!!
Miskiin Umul Wahaabi, Salafi, Magacya badane maxaad ka tagaan Waraabaha aadan garaneyn ee ay kaa qariyeen Kuwii Quraan Dhurwaaga kuusoo akhriyey! Malaha beryahaa ayaa magacaagu shiiqay oo waxaad doonaysaa inaad isasoo muujiso oo dadka ay ogaadaan inaad weli joogto! Malaha Wiilashaadii aad tababaratay ee Al-Shabaab ayaa lacagtii iyo kaharashkii ka go’ay oo waxaad u banaysay qiil ay kaga ganacsadaan Waraabaha! Malaha Umuloow fatwadii Shiikhyadaadii Khawaarijta ahaa ee Ibn Taymiyyah, Ibn Qayyim iyo kuwa casrigan ee Wahaabiga Sacuudiga ahaa ee IBN BAZ iyo Albaani ay kaga hadlayeen Waraahaba Nacaska ah ee Saxaraha ku nool ee aan lahayn miciyo uu wax ku dilo ayaad khalad u fahantay markaasaad is tusisay in Waraabe uun Waraabe yahay!!
La yaabi mayo waayo Wahaabiyadu Illaahii abuurtay bayba khalad ka fahmeen Markey Aayadaha Quraanka iyo Axaadiista ka hadlaysa Sifaadka Eebe ee si khaldan u fasirteen. Gacmaha, Wejiga, Indhaha iwm ee Quraanku ka hadlayo ee Sifaadka Eebe ah ayaa Wahaabiyadu waxay ku fasiraan inay yihiin Gacmo sax ah, Weji sax ah iyo Indho sax ah iwm. Markaa Waraabe aan Waraabahan ahayn hadday ku fasiraan kan manta Dad qaadka la yaab ma leh waayo Wixii ka weynaa ayaba si khaldan u fasirteen.
Bal akhristoow arrimahan dhuuh: Beeraha, Qudaarta, Faakihada iwm ee uu Quraanku ka hadlayo haddii aanu niraahno waa Aseendooyinkan manta aanu aragno oo aanu ka shaqaysano ma saxbaa? Webiyada Quraanku ka hadlayo ma kuweenoo kalaa? Wax kasta oo Quraanku noo sheegay oo aan Masalkeeda Adduunka ku aragno ma isku midbaa? Yaakhey Wahaabi in la karbnaasho mooyee maskaxdiisa wax ma galaan. Maansha Culumadeenii wanwanaagsanaa yiraahdee Qofka Bidciga ah wax ma galaanee ama ka aamus yuusan ku xiijine ama ul dabada u qabo!! Waa sidii Saxaabadaba ay sameyn jireen ee Sayidinaa Cumar oo ninkii Bidciga ahaa usha ula dhacay ilaa uu markii danbe ku qayliyey Diinta saxda ahayd!!!!
Haddaba nimaan dhul marin dhaaya ma lehe bal Video-gan muuqaalka ah ka daawada Waraabaha la cuni karo ee Saxarahaas carabta ku nool oo godka loogu galayo oo la soo qabanayo ama la kala iibsanayo . Waxaa la yaab leh sida uu u ciyayo iyo daciifnimada ka muuqata Waraabahan, Maansha la yidhi WAA WARAABE NACAS!!! Miciya ma leh kuwa sarena haba sheegin!!!! Waa caws daaqeen ama lufluf iska cune! Daawasho wanaagsan kadibna Ninka iska Ciyey ee Sheekh Umul la baxay ee Suubanaha(scw) iyo Diintaba u gefey warkeyga gaarsii!!
Waraabe nacaska la cuni karo oo aan ilko lahayn
http://www.youtube.com/watch?v=qSRhtL6D2IA&feature=related
Waraabe nacaska aan ilkaha lahayn oo suuqa lagu xaraashayo
http://www.youtube.com/watch?v=UBQ3Wma9oAY&feature=related
Faadumo Samatar qidmiir@yahoo.co.uk |