Warbixin hoose oo qarsoon: Xagal daacinta Mr.Omaar iyo Dadaalka kooxaha xag-jirka Diimeed (Al-qaida)>>>>>

Dr: Husein Mohamed Dirir
Mogadishu,Somalia
                                                                                                                                           Khamiis 02 Jul 2009                                                                               

Waxaa la yaab,fajaciso,iyo dhabanahays ku noqday qof kasta oo Soomaali
ah,lehna damiir wadaninimo,isla markaasna mahadho ku reebay maanka
Indheer-garadkii sooyaalka Taariikheed wax-kala socday,sida fudud ee
kooxaha xag-jirka Diimeed (Al-qaida) ay isugu soo ururiyeen gudaha
Soomaaliya,iyagoo isaga soo gooshay daafaha Caalamka gaar ahaan
Dooxada Iswat,Yeman iyo Eriteria si ay gabaad iyo dhufaysba uga
dhigtaan dhagar-qabayaal dalalkooda danbiyo ka soo galay oo aan haysan
meel ay ku dhuuntaan.
 
Waxaa kale oo aan mugdi ku jirin inuu gaabis yahay doorka abaabul iyo
diyaarinta cudud Milatari oo si awoodaysan u caabin karta kooxahan oo
ay ku hawlanyihiin masuuliyiinta DFKS ee uu M/weynaha ka yahay Shariif
Sh. Ahmed,geeridii Cumar Xaashi Aadan (Wasiirkii Abniga) kadib.
 
Waxaa marag ma doonto ah inuu gacanta Xukuumadda soo galay maal faro
badan(Hub,Rasaas,Agab Milatari iyo Dhaqaaleba) ilaa iminkana wax la
taaban karo oo dhaafsiisan is-difaac jilicsan oo muuqdaa ma
jiro,waxaana hubaal ah haddii sida ugu dhakhsaha badan aan loo
agaasimin tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in guud ahaan
Ammaanka Gobolka Geeska Africa ay khatari soo wajihi doonto,gaar ahaan
dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya ,Ethiopia iyo Djibouti oo
ay ku taamayaan Al-shabbab iyo Al-qaidaba inay weeraro ku qaadaan.
 
Waxaa haboon in Au iyadoo ka faaiidaysanaysa kulanka Sirte ee Libiya
ay Caalamka weydiisato in Soomaaliya loo fududeeyo Qodobadan:-
 
1- In Ciidanka Amisom awood loo siiyo in ay noqdaan Nabad-dhaliyayaal
,weerar qaadi kara,baacsanna kara kooxaha Dawlad-diidka ah iyo
Argagisisada Caalamiga ah ee ku sugan Muqdishu. 
 
2- In Xukuumadda Shariif Sh. Ahmed laga qaado xayiraadda Hubka ee la
saaray Somaliya 1992 ee ku xusan Resolution 733.
 
3-In Caasimadda Soomaaliya si ku meel gaar ah loogu raro goob
xasiloon,iyadoo la fulinaayo lana meel-marinaayo Go'aanadii hore uga
soo baxay Golaha Ammaanka ee ku talinayay sidaasi. 
 
4- In Gobollada Nabdoon loo soo raro Xafiiska UNPOS,sida ku xusan
qaraaradii Golaha Ammaanka ee hore.
 
5- In la soo dhammaystiro Ciidanka Amisom ee loo qoondeeyay hawl-galka
Somaliya si uu u najaxo,miro wax-ku-ool ahna looga gurto Hawlgalkan.
 
6- In la abuuro Maxkamad Caalami ah oo la hor-keeno denbiilayaasha
gayaysiiyay Soomaaliya inay noqoto mid calan Madaw laga
taagay,gabaadna looga dhigay Al-Qaida.
7- In awood loo siiyo soo faro-galinta arrimaha Soomaaliya dalalka
deriska ah,maadaama ay isku xiran yihiin Amaanka wadamadooda iyo kan
Somalia,iyagoon kala sooc lahayn
 
Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Ahmed waxaan ku baraarujinaynaa inuu isagoo
la kaashanaya Ra'isal-wasaare Sharmaake uu sameeyo isku shaandheyn
Xukuumadeed oo deg-deg ah,maadaama ay fadhiid noqdeen Wasaaradahii
muhimka ahaa sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda,Gudaha iyo
Gaashaandhigga,waxaana aan kugula talinaynaa in xilalkaas loo xulo
shaqsiyaad aqoon u leh,waxaana habboon in cid kasta loo xulo meesha ay
ku habboon tahay,Tusaale Oomaar wuxuu ku fiicanyahay Ganacsiga sidoo
kale Gaandi wuxuu ku fiicanyahay Tacliinta sare,C/qaadir Cali Cumarna
wuxuu ku fiicanyahay Hawlaha guud iyo Gaadiidka.
 
Waxaa xusid mudan in mudadii yarayd ee Wasiirka Arrimaha Dibadda uu
joogay Mudane Oomaar uu u fududeeyay Somali-land inay ka qayb gasho
shirar badan oo Igad ay soo agaasintay,isagoo ka gaabsaday inuu ka
hor-joogsado ka-qayb-galka kulamadaasi,waxaa kale oo jirta in
M/weynaha Somali-land (Riyaale) uu Kuweit tagay isagoo sheeganaya
M/weyne dal ka go'ay Somalia inteeda kale,iyadana Wasiirku waxba kama
oranin sida laga xaqiijiyay ilo xogogaal ah,tan ugu daran ayaa ah in
uu Wasiirku u ololeynayo sidii dhismaha Safaaradda Somalia ee Qadar
Somali-land looga siin lahaa qayb ay surato calankeeda,taasina waxay
meel ka dhac ku tahay Madaxbanaanidii Somalia,waxaana aan ku
adkeynaynaa Safiirka Somaliya u fadhiya Qadar General Naaji in uusan
ogolaanin falal noocaas ah fulintooda,maadaama uu yahay General
Somaliyeed oo wax badan og.Oomaarna waxaannu kula talinaynaa inuu ka
joogsado u adeeggidda Gooni-isu-taagga Soomaali-land,maadaama uu hadda
ku magacaaban yahay Wasiirkii Dibadda Somalia.(Hal dhagax laba
shinbirood laguma wada dili karo)
 
Ugu danbayntii waxaan Beesha Caalamka u soo jeedinaynaa in aan
dhabarka loo jeedin arrimaha Soomaaliya ee ha loo gurmado,waxaana cad
in haddii aan laga faa'idaysan fursaddan (Bussiness as usual) in
xaalku uu gaari doono meel aan waxba laga qaban karin,Qarankii
Soomaaliyeedna uu burburi doono (failed State) khariidaddana laga
tirtiri doono.
 
 
Dr: Husein Mohamed Dirir
Mogadishu,Somalia

 

Allidamaale.com
Your Reliable Sources                                                                                                   DIB U NOQO

Thanks For your Visiting

free counter