Koob lagu xusayo 1da  luulyo sanad guurada 49AAD  Oo ka dhacay Magaalada Zurich ee dalka switzerland >>>>

Cabdiraxiin Hilowle Galayr                                                     abdirihiin1@hotmail.com                                                                                                                                      Khamiis 02 Jul 2009                                                                               

Waxaa maanta oo bishu tahay 1july 2009 lugu qabtay magaalada Zürich ee Dalka Switzerland xaflad lagu maamuusayay maalinta qadarinta weyn ku leh shacabka soomaaliyeed meel kasta oo uu dunida ka joogaan.

Xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen  jaaliyada soomaaliyeed magalada zürich  iyada oo halkaasna la keenay koob lana qabtay tartan ciyaarta kubada cagta ah oo dhex maray labada kooxood ee heerka koowaad ee kanton zurich kooxda Qaran iyo kooxda Alla aamin.

Intaan ciyaarta la furin ayaa waxaa halkaas hadal ka jeediyay gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee gobolka zurich DR Cabdilaahi yuusuf cawir oo dhalinyarada uga faalooday taariikhda maalinta xoriyada  iyo qaabkay ku timid iyada oo dhamaan dadweynaha ka soo qayb galay iyada halkaas isaguna uu u hanbalyo iyo bogaadin kasoo jeediyay gudoomiye kuxigeenka jaaliyada  sheikh bashiir

Ay ka muuqatay farxad iyo rayn rayn  laga dareemay boholyoow iyo xiise ay dalkoodii oo nabada u qabaan si niyad samaan iyo farxadi ku jirtana waxay isu waydaarsanayaan sanad guuro wanaagsan iyo maalin farxadeed

Waxaa halkaas koobabkii iyo biladihii iyo abaalmarintii gudoonsiiyay gudoomiyaha jaaliyada gudiga qabanqaabada xuska sanadguurada 49aad ee konton zurich Garsoore maxamed cali xaaji  isagoo isna halkaas ka jiiday erayo qiiro leh dhamaan bulshada meesha kasoo qayb gashayna   ay la maqsudeen Garsoore maxamed cali xaaji ayaa sheegay in maalintani aysan ahayn maalin la dhayalsan karo dhalinyarada xasuusiyay inay raacaan jidkii awoowayaashood usoo mareen midaynta iyo xoraynta dalkooda una huraan naftooda iyo hantidooda iyaga oo aan walaalahood ku dhibaataynayn.

Waxaa halkaas lagu furay halkaas ayaadaha quraanka diiniga iyo heesta calanka iyo qaranka soomaaliyeed iyada dhamaan jaaliyada reer zurich

Ay si wanaagsan u maamuuseen maalinta qaranimada soomaaliyeed

Waxaa ciyaartu dhex martay labada kooxood ee koobka loo dhigay waxaana  hantiyay kadib mudadii ciyaartu socotay kooxda Qaran oo kaga awood roonaatay kooxda Alla Aamin  2_1  halkaas oo ay koobkii iyo guushiiba ku raacday kooxda Qaran  oo hanatay koobka sanadguurada 49aad ee qaranimada soomaaliya lagu maamusayay,

iyada oo gebi ahaan wadanka soomaaliya iyo goboladiisa laga xusay maalinta Qaranka soomaaliyee ee 1da luulyo ayaa waxaa iyana laga xusayay sidoo kale lagana dareemayay wadamada ay ku noolyihiin qurba joogta soomaaliyeed. 

Gudiga jaaliyada konton Zurich

Gudiga qabanqaabada Arimaha bulshada  jaaliyada zurich

Maxamed cali xaaji

Cabdulaahi eybeker (guray)

Abuukar cali jiijow

Khaliif Cabdi maxamed (sayid khaliifa)

W/D

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

abdirihiin1@hotmail.com

 

 

Allidamaale.com
Your Reliable Sources                                                                                                   DIB U NOQO

Thanks For your Visiting

free counter