Mac-hadka Rima ee dalka Malaysia oo lagu qabtay Munaasabada 1-da Luulyo, (Daawo Sawirada) >>>     

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)                                                                                                                          Email: adde053@hotmail.com                                                                                                                           Kuala Lumpur Malaysia.                                                                                                                                               Arbaco 01 Jul 2009                                                                               

 Waxaa maanta Munaasabada 1-da Luulyo lagu qabtay Mac-hadka Rima ee dalka Malaysia.
Mac-hadka Rima waa Mac-hadka ugu badan ee Ardayda Soomaaliyadeed wax ka bartaan,

Munaasabadaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Maamulka iyo Shaqaalaha ee Machadka Rima.

Iyadoo si habsami leh, loogu xusaayey Munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalinta ay Soomaaliya noqotay mid ka xurowday gumeystaayaashii ingiriiska iyo Talyaaniga. Xalfadaan ayaa waxaa lagu casuumay ardayda Mac-hadka Rima. Kuwaasoow gaaraayey in ka badan 400 oo qof.

Munaasabadaan ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa mid kamid ah Maamulka Rima, kaasow lagu magacaabo Mr Kelvin.

Waxaa kalow ka hadashay Miss Aru, oo ah Gabadha ugu sareysa Maamulka Mac-hadka Rima.

Waxayna tiri “Maanta waxaa aad ugu faraxsanahay anigoo Ardaydeeda kala qeyb qaadanaayo Munaasabada 1-da luulyo oo ah maalintii ay soomaaliya noqotay mid madax banaan.

Maanta waa maalin aan aad u faraxsanahay , waana maalin cajiib ah.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabadaan Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyadeed Maxamed Cismaaciil Jimcaale (Maxamed Qadar) wuxuuna yiri “Maanta waa maalin aad u weyn oo ah maalintii ay Soomaaliya noqotay wadan Madax banaan. ” Madax Banaanida waa Xur, xurnimadana waa Nabad.

Wuxuuna aad ugu mahad celiyey Dhalinyaradii Soomaaliyadeed ee wax badan ka soo shaqeenayey mac-hadkaan, Sida Maxamuud Beene Beene, Cumar Biikolo, iyo Cismaacil Mayow.

Waxaa kalow ka hadlay Munaasabadaan Yaasir Maxamed Axmed (Yaasir Baaffo)

Hadaladiisiina waxaa kamid ahaa” Marka hore waxa u mahad celinaayaa Maamulka Mac-hadka Rima

Wuxuu kalow yiri asagow la-dar daarmaayey Ardaydii ka soo qeyb gashay Munaasabadaan” Walaalaayow waxaa idin sheegaayaa inaad tihiin kuwii beri wadanka hogaamin lahaa, qof walbow waxaa ku saaran Mus’uuliyad weyn, qof walbow waxaa tahay qof Maanta Soomaaliya u soo maqan.

Waa markii ugu horeysay oo mac-hadka Rima lagu qabto Munaasabad noocaan oo kale ah.

Ardaydii ka soo qeyb gashay Munsaabadaan ay soo qaban qaabisay Mac-hadka Rima ayaa waxay ku reebtay Taariikh aan la’ilaawi Karin.

Ardayda wax ka barata Mac-hadkaan Rima ayaa waxay ka kala yimaadeen dhawr wadan sida, Soomaaliya, Tanzania, Nageria, Sudan, Libiya, Yeman, Iraq, Iran, iyo Bangladesh.Caawa ayaa lagu wadaa in Xaflad balaaran lagu qabto Jaamacadda loogu jecel yahay Jaamacadaha ka jira dalka Malaysia, oo lagu magacaabo UIA. Xafladaasow loogu magac daray Maalintii ay Soomaaliya Xurowday 1-da Luulyo.

Ugu danbeentii mac-hadka Rima ayaa wuxuu soo bandhigay Qadarinta uu u haayo Shacabka Soomaaliyadeed meel kastow oo ay caalamka ka joogaan.

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)

Email: adde053@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia....

 

 

 

Allidamaale.com
Your Reliable Sources                                                                                                   DIB U NOQO

Thanks For your Visiting

free counter