Mid k amid ah Mudanayaasha lagu soo eedeeyey fadeexadan oo magaciisa lagu
sheegay Cabdi Rasaaq Jaamac Cabdi Bile ayaa laga qabtay cod
fadeexada ah oo kula kacay mid kamid ah haweenay soomaaliyeed islamrkaana la
sheegay inuu kula dhaqmay dhaqan xun iyadooCodkiisa oo
duubana lasoo bandhigay
Mudanaha kale oo arintan kufsiga ah kula kacay gabadh la
sheegay inay aad u da, yarayd oo 13 jir ahayd oo magaciisa lagu soo gaabiyey
siciidcabdi, sida laga soo xigtay qaar ka tirsan
baarlamaanka puntland ayaa sameeyay arin fajiciso ku noqotay
dadka soomaaliyeed muslimiinta ah,kadib markii uu kufsaday gabdhaas da,da yarayd
Fadeexadan oo saamayn ku yeelatay guud ahaan maamulka puntland ayaa waxgaradka
iyo culimo udiinka soomaaliyeed ka muujiyeen kacdoon ka dhan ah dhaqanadan xun
ee ka hor imaanaya diinta islaamka, taasoo ay ka codsadeen masuuliyiinta
maamulka puntland inay arintaas sharciga hor keenaan si looga feejignaado inay
mid kale dhacdo
Ugu dambayn arintan ayaa waxaa baaqyo kasoo saaray
waxgaradka iyo culimo udiinka soomaaliyeed oo ku tilmaamay mid aan ku
haboonayn diinta islaamka iyo dhaqamada soo jireenka ah ee soomaaliyeed